Suomi-Somalia Seura ry
Kulttuuria, tiedonvälitystä ja kehitysyhteistyötä

Tervetuloa - Soo Dhawow
 
Suomi-Somalia Seura ry - Asiantuntija Suomessa ja Somaliassa

Seura      Somali
Tulosta sivuLisää suosikkeihin
 



 
 
Ururka Saaxiibtinimada Soomaalida iyo Finnishka
Suomi-Somalia Seura ry | Finland Somalia Association F.S.A
 
Ururkan waxaa la aasaasay 1986dii. Ula-jeedooyinka ugu muhiimsanaa ee ururka loo aasaasay waxaa ka mid ahaa in uu noqdo urur saaxiibtinimo isla markaana ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa saaxiibtinimada labada dal iyo shacab. Ula-jeedooyinka ururka waxaa kale oo ka mid ahaa in ururku ka shaqeeyo soo bandhigida dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida si bulshada finnishka ah ay fursad ugu helaan bashada dhaqanka iyo taariikhda Somalida.
 
Si hadaba hadafyada ururku u hirgalaan, ururku wuxuu wada shaqeyn la sameeyaa muwaadiniinta iyo ururada labada dal, wuxuu soo saaraa qoraalo ka hadlaya kolba wacyiga lagu jiro, sidoo kale wuxuu daabacaa joornaalka koor, kaas oo soo baxa lixdii biloodba mar. Ururku wuxuu Soomaalida iyo Finnishkaba la socodsiin akhbaaraha la xiriira  la qabsiga wadanka sdioo kale wuxuu qabtaa seminaaro, kulamo iyo shirar kala duwan.  Ururku waxaa kale oo uu ka qeyb-qaataa hirgalinta mashaariicda horumarinta, wuxuuna Somalia ka fuliyey mashaariic dhowr ah, xiligan lagu jirona wuxuu gacanta ku hayaa labo mashruuc oo caafimaad la xiriira, waxayna ka kala socdaan magaalooyinka Afgoye iyo Afmadow.
 
Sidoo kale ururku wuxuu qeyb lixaad leh ka qaataa kordhinta is fahamka soomaalida iyo finnishka, wuxuu ka hadlaa fududeynta la qabsiga wadanka, sidoo kale horumarinta saaxiibtinimada labada shacab. Ururku intii uu jirey wuxuu qeyb lixaad leh ka soo qaatay aasaaskii dalada Soomaalida Finland ee Somaliliitto 1995tii, sidoo kale aasaaskii Suomi-Somalia Verkosto 2004tii taas oo afartii sano ee ugu horeysay ku shaqeyneysay si forum ah sanadkii 2009 wixii ka dambeeyeyna noqotay urur shaqeynaya, sidoo kale ururku wuxuu markasta qeyb libaax ka qaaraa ka hadalka arimaha ajaaniibta iyo Soomaalida si wada shaqeyn iyo horumarini ku dheehantahay, ururku wuxuu wada shaqeyn joogto ah la sameeyaa ururada kale, hay'adaha dowlada iyo muwaadiniinta labada dal ee jecel wanaaga iyo saaxiibtinimada.
 
Fadlan wixii tafaasiil dheeri ah nagala soo xiriir.
 
Suomi-Somalia seura ry
PL 242
00121 Helsinki
Tel. 0465435885
Email: suomi-somalia.seura(at)suomi24.fi

 


Ajankohtaisia 
Uutiset / Kalenterit



(c) copyright Koor 1986 - 2011